Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Sh. Shakuul: Hadii la ii Doorto Madaxweynaha Juba-land waxaan hor-marinayaa adeegyada Muhiimka ah ee bushada

$
0
0

 

Kismaayo(RBC Radio) Sheekh Max’ed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxweyne ee maamulka Jubaland ee dhisidiisu ay ka socoto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose,Shakuul oo gaaray Kismaayo ayaa ka dhawaajiyey arintaasi.

Sheekha Max’ed Shakuul ayaa kasoo kici timay magaalada Nairobi oo uu ka tirsan yahay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsanayey dalkaas mudooyinkii u danbeysay wuxuuna xiligan tilmaamay inuu doonayo qabashada xilka madaxweynanimada maamulka Juba-land.

Markii uu gaaray magaalada Kismaayo ayuu Sheekh Shakuul shir Jaraa’id ku qabtay halkaas wuxuuna daboolka ka qaaday in hadii uu ku guuleysto hamigiisa ah qabashada xilka ugu sareeya ee maamulka Juba-land inuu wax badan ka qaban doono adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka deegaanadaas.

Wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay inuu ahmiyad gaar ah siin doono horumarinta dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada shacabka ku dhaqan deegaaanada hoos imaan doona maamulka Juba-land,isagoona shacabka ku amaanay sida ay uga go’an tahay iney samaystaan maamul ay iyagu doortaan.

Shirka lagu dhisayo maamulka Jubaland oo ka soconaya magaalada Kismaayo ayaa maalin waliba waxaa gaaraya wufuud hor leh oo ku biireysa shirkaasi xili ay si weyn uga biyo diidsan tahay dowlada federaalka Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles