Muqdisho(RBC Radio) Shirweynihii ka wada tashiga garsoorka dalka ayaa maanta lagu soo gabagabeynayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya shirka ayaa afartii maalmood ee uu socday waxaa diirada lagu saaray dhibaatooyinka hortaagan garsoorka dalka Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee looga gudbi karo caqabadaha hortaagan garsoor hagaagsan oo uu dalku yeesho.
Dowlada Soomaaliya ayaa ku hanweyn in shirka oo maanta lasoo xirayo ay kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah oo wax badan ka bedeli doona garsoorka hada ka jira Soomaaliya oo si weyn ay u dhaliishan yihiin Soomaalida iyo beesha caalamka,waxaana lagu tilmaamaa in garsoorka ka jira Soomaaliya uu yahay mid uu dilooday eex iyo hufnaan la’aan.
Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in maaanta oo ah gabagabadiisa laga soo saaro war murtiyeed lagu sharaxayo go’aanadii kasoo baxay intii uu shirkaasi dowlada ayaa hindise kasoo saari doonta waxyaabaha kasoo baxay shir weynaha qaran ee dib u habaynta garsoorka,waxaana kadib la hordhigi doonaan mudanayaasha baarlamaanka si ay u meelmariyaan.
Shirka oo uu daah furay maalintii Isniinta madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sh. Max’uud ayaa waxaa ka qayb galayey ergooyin fara badan oo ka kala yimi dalka gudihiisa iyo dibadiisa una badnaa sharci yaqaano Soomaaliyeed oo ku xeel dheer arimaha garsoorka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho