Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20307

Dawladda Puntland Iyo Hay’adda ICAO oo Kawada Hadlay Hawada dalka Soomaaliya(Sawirro+Codad)

$
0
0

DSC_7878Boosaaso(RBC Radio) Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobey Gaadiidka Diyaaradaha Rayidka ee (ICAO) iyo madaxda sarsare ee Puntland ayaa si qoto dheer uga wadahadlay Hawada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka la qaatay mas’uuliyiinta ka socotay Hay’adda ICAO Kuwaas ka kala socday xarumaha Canada Iyo Nairobi ay hay’adu leedahay.

Ujeedada kulanka labada dhinac ayaa ahaa mid loogala tashanay dhanka dawladda Puntland dib usoo celinta maamulka Hawada dalka Soomaaliya oo muddo dheer gacanta ku haysay Hay’adda ICAO oo Qaramada Midoobey hoostagta.

DSC_7857Mr. Javier Lopez oo ka socday Hay’adda ICAO oo Saxaafadda u waramay ayaa sheegay in Puntland u yimaadeen sidii qiimeyn ugu sameyn lahaayeen qaabka ugu haboon ee dib loogu celin karo Soomaaliya maamulka Hawada dalkeeda.


Sidoo,wuxuu intaas ku daray in maamulka Hawada Soomaaliya si qoto dheer ugawada shaqeyn doonaan Dawladda Federaalka ee dalka iyo dhammaan Maamul-goboleedka dalka ka jira.

Wasiirka Duulista Hawada Iyo Garoomada dawladda Puntland Xasan Xaaji Siciid (Xasan Cade) ayaa isna dhankiisa sheegay in ay u yimaadeen qiimeyn ay ku sameynayaan Hawada dalka.

Mr. Javier Lopez

Mr. Javier Lopez

Wuxuu xusay in Puntland usoo gaareen sidii ay ugala tashan lahaayeen sidii loo heli lahaa qorshe dib loogu soo wareeji maamulka Hawada dalka Soomaaliya taasoo laga maamuli jiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

…..”’Macluumaad bey uruurinayaan ,wareysiyo iyo sidii ay ku heli lahaayeen habkii lagu shaqeyn lahaa oo loo soo wareejin lahaa maamulka hawada Soomaaliya ,sidoo kale iney kor u qaadaan aqoonta dadka …..”’ayuu yiri Xasan Cadde.

Wasiirka Duulista Hawada Iyo Garoomada dawladda Puntland Xasan Xaaji Siciid

Wasiirka Duulista Hawada Iyo Garoomada dawladda Puntland Xasan Xaaji Siciid

Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa hadda waxaa gacanta ku haysa Hay’adda ICAO oo hoostagta QM,waxaana marar badan isku khilaafay Dawladda Federaalka,Somaliland iyo Puntland goobta sida tooska ah looga maamulayo Hawada dalka.

DSC_7836 DSC_7844 DSC_7851 DSC_7861 DSC_7875 DSC_7878 DSC_7880 DSC_7885 DSC_7886 DSC_7929

_______________

RBC Radio/Boosaaso.

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20307

Trending Articles