Addis Ababa [RBC Radio] Laamaha ammaanka dalka Itoobiya gaar ahaan laanta la-dagaallanka argagaxisada ayaa maanta sheegtey inay gacanta ku dhigeen nin Soomaali ah oo doonayey inuu is qarxiyo,kaaso la sheegey inuu ka tirsan yahay Al-shabaab.
Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada la dagaalanka argagaxisada Itoobiya waxaa lugu sheegay in ruuxan la qabtay xilli uu doonayay inuu isku qarxiyo meel ka mid ah magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Ciidamada la dagaalanka argagaxisada Itoobiya ma aysan shaacin magaca qofka ay qabteen iyo warbixinno intaas ka badan, hase ahaatee waxaa warkaan lagu sheegay in ciidanka amnigu ay gacanta ku hayaan ruuxan ayna su’aalo weydiinayaan.
Waxaa kalo ay sheegen ciidamada la dagaalanka argagaxisada inay hayaan xooggo ku aadan in Al-shabaab ay maleegeen dhowr weerar oo ay magaaladda Addis Ababa ka geystaan muddo todobaad ah.
Kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya ayaa horey u sheegtey inay qaraxyo ka geysan doonan dalalka ay Soomaaliya ciidamada ka joogan oo ay Itoobiya ka mid tahay.
___
RBC Radio