Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20300

Maraykanka oo Soomaaliya usoo magacaabayo safiir

$
0
0

obamaDowladda Maraykan oo sheegtay inay Soomaaliya usoo magacaabayso safiir.

Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha siyaasadda Wendy Sherman oo ka khudbeyneysay Machadka Nabadda ee Mareykanka U.S. Institute of Peace ee Washington ayaa sheegay in Madaxwayne Obama uu Soomaaliya usoo magacaabayo safiir.

Maalinimadii talaadada ayaa waxaa Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha siyaasadda Wendy Sherman ayaa shaaciyay  booska safiirnimada in uu yahay mid banana sidoo kalana ay shaqsiyaadka u qalma ay soo dalbadaan. Ilaa hada lama shaacin shaqsiga noqon doona safiirka Dowladda Maraykan u joogi doono Somalia.

Dowladda maraykan ayaa albaabada isugu xirtay safaaradeedii Soomaaliya kadib markii dowladii dhexe ay dhacday mudo 20 sano ka badan laga joogo.

Ilaa xiligaas dowladda Maraykanka ayaan usoo magacaabin Soomaaliya walow dowladdo dhexe ay wadanka soo mareen.

Tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday ku meel gaarka ayna u gudub tay Dowlad Federaal ah oo buuxda, waxaa soo badanayay wadamada Soomaaliya usoo magacaabanaya safiirada taas oo xoojinayso xiriirka Beesha caalamka iyo Soomaaliya.

 

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20300

Trending Articles