Garoowe (RBC ADIO) Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta Boostada hidaha iyo dhaqanka Dowladda Puntland Mudane C/wali Xirsi C/dulle Indha-Guran ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Golaha Wakiilada Puntland u horgayn doonaan Xeerka u dhaxayn doona Saxaafada iyo Dowladda Puntland.
” waxaan ku tala jirnaa dhawaan in aan Baarlamaanka hor gayno Xeerka Saxaafada oo horay ay usoo ansixiyeen Xukuumadii hore hadana lala sugayo oo kaliya Kalfadhiga ugu so horeeya ee Baarlamaanku uu yeelanayo, waxaan ku kalsoonahay in Baarlamaanku meel marin doono Xeerkan, Sidaana waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta.
hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo si wayn looga dhursugayay Wasaarada Warfaafinta in ay ku dhaqsato meel marinta Xeerka Saxaafada kaasi oo noqday mid lala raagay marka la eego waqtiga la sameeyey.
RBC RADIO.