Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20304

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Markii ugu Horreysay Caddeeyay Khilaafka Dawlada Dhexdeeda ka Jira (Warbixin+Video])

$
0
0

DSC02624Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta markii ugu horreysay caddeeyay khilaafka u dhexeeya iisaga iyo raysal wasaaraha xukuumadda C/weli Sheekh Axmed isagoo sheegay in dalku u baahan yahay deganaansho siyaasadeed.

Madaxweynaha oo ka qeybgalay sannad guuradii koowaad ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaalada Muuqdisho ayaa sheegay in ay dhab tahay warara ay dadweynuhu isla dhexmarayaan beryahan dambe ee sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya madaxda dawlada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu ka hadlayey khilaafkan u adegsaday “kala aragti duwanaan” u dhexeysa masuuliyiinta dawlada, wuxuuna sheegay in marnaba kala duwanaantaasi aan dibadda lagu soo xallin doonin balse dalka gudihiisa lagu xallin doono.

“Kala aragti duwannaan way jirtaa maanta, shalay way jirtay beritona way jireysaa, laaakiin waxaa muhiim ah sida an diyaarka ugu nahay inaa xallino,” ayuu yiri madaxweynaha.

“Dalku wuxuu u baahan yahay deganaashiyo siyaasadeed, mida aan aadka iyo aadka u daba taaganahay ayaa ah inaan helno deganaanshiyo siyaasadeed, markaan helno deganaanshiyo siyaasadeed ayaan xaqiijin karnaa waxa nalaga doonayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dhismaha dawladnimadu waxay wadataa caqabado, dhismaha dawladnimada waxay wadataa kala arati duwanaanshiyo,” ayuu sii raaciyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celceliyey in wax kasta oo khilaaf ah lagu xallin doono sida dastuurka uu qabo, isagoo qeexay in dawlada mudadii ay jirtay ay soo martay khilaafyo adag balse makasta la soo xalinayey.

“Mar haddii shaqo la galo oo shaqada la wada galo, waxaa lagu kalla duwanaanayaa sida loo wajahayo hawsha amma loo kala hormarinayo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caalamka iyo dawlada ay iska kaashanayaan sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabaha a harsan waajibaadka dawlada uu hogaamiyo, oo ah in dalku helo nidaam federaal ah, helitaanka xisbiyo dimuqraadi ah iyo in doorashada ay dhacdo sanadka 2016.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20304

Trending Articles