Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20300

Taliyaha ciidamada Sierra Leone oo Kismaayo tagey

$
0
0
Samuel Omar Williams

Samuel Omar Williams

Kismaayo [RBC Radio] Magaalada Kismaayo oo ay ku sugan-yihiin ciidamado ka tirsan kuwa ku mideysan AMISOM,waxaa maanta gaarey taliyaha ciidamada qalabka-sida ee dalka Sierra Leone, sarreeye-guuto Samuel Omar Williams.

Saraakil ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa taliyaha soo dhaweysey,waxuuna Kismaayo u tagey u kuur-gelidda xaaladda ciidamada dalka Sierra Leone ee jooga magaalada Kismaayo, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Booqashada taliyaha uu ku tagey Kismaayo waxaa la sheegay inay qaadan doonto labo maalmood , mana jiraan wax kulamo ah oo weli uu la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba.

Taliyaha ciidanka Sierra Leone ayaa shalay tagay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kulan kula yeeshay taliyaha ciidamada AMISOM, General Silas Ntigurirwa, iyadoo booqashada Samuel ay tahay markii ugu horraysay ee uu tago Soomaaliya.

Ciidamo ka socda dalka Sierra Leone ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee ay ciidamadu ku midooben howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20300

Trending Articles