Ankara [ RBC Radio] Maxkamada ku taalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro saraakiil sar-sare oo ka tirsan Al-shabaab,kaddib markii ay maxkamdu sheegtey inay ka dambeeyaan weerar lagu qaaday safaaradda Turkigu uu ku leeyahay Muqdisho.
Saraakisha ka tirsan kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka dirirta oo ay maxkamada dalka Turkigu xarigooda soo sartey,waxaa ay kala yihiin:Axmed Aw-Cabdi Godane, Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur, Fu’aad Maxamed Shangole, Xasan Daahir Aweys iyo Xasan Cabdullaahi Xirsi Al-Turki.
Shanta nin ee ay maxkamadda amartay in la soo xiro ayaa waxaa ku jira horjoogaha ugu sarreeya Al- Shabaab Axmed Godane iyo Xasan Daahir Aweys oo iminka u xiran dowladda federaalka ah iyo Xasan Turki oo la sheego inuusan haatan wax xiriir ah la laheyn Al-Shabaab.
Go’aanka maxkamada waxaa kalo qeyb ka ah codsi ay maxkamadu u dirtey booliska adduunka ee INTERPOL,kaaso ku aadan inay soo saaro digniin ka dhan ah horjoogeyaashaas oo amar ay bixiyeen uu sabab u ahaa weerarka lagu qaaday safaaradda Turkiga oo lagu dilay mid ka mid ahaa ilaalada safaaradda.
Amarka ka soo baxay maxkamada waxaa uu yimid kaddib markii bishii July ee sanadkii hore gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray guri ay deggan yihiin shaqaalaha safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas lagu dilay labo ka tirsanaa kooxdii dhismaha soo weerartay.
____
RBC Radio