Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Kooxo hubeysan oo Nabadoon caan ah ku Dilay Magaalada Marka

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Kooxo hubeysan ayaa caawa Maqribkii nabad doon caan ahaa ku toogtay degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose,goobjoogayaal inoo waramay ayaa sheegay in dilka nabadoonka oo ahaa nin si weyn looga yaqaano magaalada Marka ay geysteen 3 wiil oo dhalinyaro ahaa kuwaaas oo ku hubeysnaa Bistoolado.

Nabadoonka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Max’uud Max’ed Xuseen  ayaa waxaa dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka magaalada Marka halkaas oo uu daqiiqado kadib uu ku geeriyooday kooxihii dilka geystay ayaa markii ay dilka fuliyeen waxa ay ka baxsadeen goobta.

Nabadoonka geeriyooday ayaa la sheegayaa in marar badan lasoo gaarsiiyey hanjabaado ku saabsan in la dili doono wuxuuna ka tirsanaa odayaasha nabadoobada ah ee caanka ka ah gobolks Shabeeelaha hoose gaar ahaan xarunta gobolkaas ee Marka.

Dilalka qorsheysan ayaa xiliyada qaar ka dhaca goobaha ay gacanta ku hayso dowlada Soomaaliya  kuwaas oo lagu bartil maameedsado bulshada qaybaheeda kala duwan ee .

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles