Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Mudug iyo bulshadda gobolka oo si weyn utaageeray Maamulka Jubba-land kadib kulan maantay Gaalkacyo ka dhacay(Sawirro)

$
0
0

 

Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo waxaa maantay ka dhacay kulan balaaran oo lugu boogadinayey shirka kasocda magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,waxana kulan kan kasoo qayb galay Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Dagmada Gaalkacyo, Nabadoono, Odayaal, Dhalinyaro iyo Haween, waxana dhamantood ay ka hadleen isda  ay u taageersan yihiin dhismaha maamulka Jubba-land oo xiligaan qor shihiisu kasocdo magaaladda Kismaayo.

 

Furi taanki kulan kan ayaa waxaa hadalka hor qaatay Duqa Dagmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad waxaana uu hadalkisaa kusoo qaday sida ay u taageersan yihiin shirka ay reer Jubba-land uga tashanayaan aayaha goboladooda, Waxaana uu sheegay in ay dadkaasi haystaan Wado Sax ah oo ay xaqtahay in ay ka tashadaan ayaaha goboladooda loona bahan yahay in taageero loo fidiyo sidii loo garab is taagi lahaa inay usura gasho dhismaha maamulkaasi.

 
Duqa Dagmada Gaalkacyo Axmed Cali ayaa dhinaca kale si cadd u sheegay in Jubba-land ay tahay mataanta Puntland ayna la garab taagan yihiin taagero hil iyo hoba leh marwalba ay u tagaan yihiin sidi ay mar qura isu taagi la haayen.

 


Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jaamac ayaa isna dhankiisa sheegay in ay dadka reer Juba-land xaq uleeyihiin in ay masiirkooda ka tashadaan maadama xiligaan shirka kasocda Kismaayo uu yahay mid ku yimiid rabitaanka dadka daga gobalada ku bohoobay Jubba-land.

 
“Dadka reer Jubba-land Soomaali kala Goyn mayaan, Dad beerihiis iyo Dhulkiisna duulaan kuma ahan, xaq dastuuri ah ayeyna uleeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan, maamul ay ku qanacsayihiina ay samaysataan maadama ay iyagu isla garteen sharcina uu yahay in maamul goboledyo dalka laga dhiso anguna ciidkasta oo maamul samaysanaysaa waa tagersanahay,Jubba-landna waxan lenahay midoba oo isracaa si riyaadina ad uga dhabaysan”guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku soo qaday.

Kulan kan oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen qaybha kala gadisan ee bulshada oo ay haween qayb ka ahayen ayaa waxaa iyaduna hadal soo jeedisay taageero iyo dhiri galinbaa isugu jiraa maamo Dhudi Yuusuf oo ah gudoomiyaha ururka haweenka Gobolka Mudug waxana dhina ceeda ay tilmaamtay in taagero weyn uu yayan dadka reer Jubba-land ayna marwalba garab taaganyihiin haddi ay yihiin iyagu haweenka gobolka mudug,intaas kadib waxaa ay hadalkeda kusoo qatintay duco ay u ducaysay dadka reer Jubba-land waxan ay rabi uga bariday inay cagahooda isu taagan ayna dhismaan.

 

Dhamanba dhinac yadi kulan kaan kasoo qayb galay ayaa soo jeediyay hadalo ay ku mijinayaan taageerida ay uu hayaan Jubba-land,waxan mudadan danbe isaa soo taraysay taageerida ay umadda reer Puntland hawadda u marinayso umadda Jubba-land.

 

Qor ka mid ah Haweenki kulan ka kasoo qayb galay

Qor ka mid ah Haweenki kulan ka kasoo qayb galay

Duqa Degmada Gaalkac Axmed Cali Salaad

Duqa Degmada Gaalkac Axmed Cali Salaad

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac "Tigey"

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey”

maamo Dhudi Yuusuf oo ah gudoomiyaha ururka haweenka Gobolka Mudug

maamo Dhudi Yuusuf oo ah gudoomiyaha ururka haweenka Gobolka Mudug

 

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo


Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles