Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxtooyada Somaliland oo ka hadashay Maalinta Miinada Adduunka iyo Gabadho ay Miino kula qaraxday Lughaya

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dadweynaha uga digay halista Miinadu ku hayso xilliyada ay Roobabku da’aan oo ay Daadadku soo saaraan. Waxaanu Md. Saylici hambalyo u diray Shaqaalaha ka hawlgala Hay’adaha Miino-saarka ee Somaliland ka hawlgala maalinta Miinada adduunka oo ku beegan 4-ta bishan April, taasoo ku soo beegantay laba Gabdhood oo ku dhaawacmay Miino kula qaraxday deegaanka Miyiga Degmada Lughaya ee gobolka Awdal, kuwaasoo dhaawacyo culusi soo gaadheen jidhkooda.

Qoraal maanta ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey hambalyada, dhiirrigelinta iyo digniinta Madaxweyne Ku-xigeenku jeediyey maalinta caalamiga ah ee loo aqoonsaday Maalinta Miinada. Waxaana qoraalka War-Saxaafadeedka Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada ka soob baxay u dhignaa sidan:-

“Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha Miinada iyo walxaha qarxa Maalinta Miinada oo ku beegan 4 April 2013 awgeed. Sidaad la socotaan maanta waa 4th April 2013, waana maalinta miinada adduunka iyo wacyigelinteeda. Sidaa darted, marka hore waxaan hambalyeeynayaa dhammaan shaqaalaha Miinada iyo walxaha qarxa ee ku howlan sifeynta Miinada ee ka shaqeeye dhammaan gobollada Somaliland.

Hambalyadaa ka dib, sidaad la socotaan Marxalado kala duwan ayey Somaliland soo martay iyada oo la tacaaleysa dhibaatada ay Miinadu ku haysay nolosha iyo horumarka Somaliland. Maanta waxaa ah wax lagu faano sida hab-samida leh ee ay hawlaha wax-ka-qabadka Miinadda ay u socdaan, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan hay’addaha  kala ah SMAC, HALO Trust, POlice EOD, NDA , DDG iyo Olive group oo iyana horkacaya shirkadda Shidaalka ee (Genel energy)  oo runtii si xowli ah u wada hawlaha wax-ka-qabadka Miinada iyo walxaha qarxa.

Siyaasada dowladda Somaliland waa in la dhiirrigeliyaa wax ka qabadka Miinada iyo walxaha qarxa si loogu tallaabsado horumar deg-deg ah uguna dhiirradaan Muwaaddiniinta iyo Ajaanibka daneynaya in ay maal-gashadaan Somaliland.

Waxaan dhammaan Bulshaweynta Somaliland uga digayaa xilligan Roobabka  in ay aad uga taxadiraan Miinada iyo walxaha qarxa oo laga yaabo in ay soo saaraan Daadadku ama soo qaadaan Dooxyadu  iyaga oo ka soo qaadaya meel ay hore ugu aasneyd keenayana meel kale, haddii ay arkaan waxaanay garaneyn halla xidhiidhaan hay’addaha ku howlan Miinada ama Saldhig Boolis halka ugu dhow.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Hay’addaha  aan soo sheegay in  ay kordhiyaan  ama laban-laabaan shaqadooda si aan deg-deg ugu soo geba-gabeeyno hawlahaa Miinada si aan  u dhiirrigelinno horumarkan xawliga ku socdaa Somaliland.

Waxaa kale oo aan soo dhoweynaynaa Hay’ad kastoo caalami ah oo wax nagala qaban kareysa howlahaa Miinada iyo walxaha qarxa si xilli dhow ay ugu soo gebo-gabeyno Miinada dalka ku jirta.”

Geesta kale, Wararka ka imanaya degmada Lughaya ee gobolka Awdal, ayaa waxa ay sheegayaan in laba Gabdhood oo yar yar oo Xoolo la jooga ay ku dhaawacmeen Miino la qaraxday meel aad ugu dhow Riigga Biyaha laga cabbo ee Kalawle ee degmada Lughaya. Sida ay dadka deegaankaa qaarkood warbaahinta u sheegeen waxa labadaa Gabdhood ee Miinadu la qaraxday oo dhaawacyo culisi ka soo gaadheen jidhka iyo indha loolala cararay dhinaca dalka Jabuuti, si halkaas loogu soo daweeyo.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in Miinadaas labada Hablood ee yar-yar la qaraxday ay ahayd Miino Daadadka Roobabka oo maalmihii ugu dambeeyey deegaannadaa xoog uga da’ayey ay dibedda u soo saareen, isla markaana la filayo marka ay Miinadu qaraxday iyagoon garanaynin inay ku ciyaarayeen ama taataabteen, ka dib-na ay sidaa kula kacday, dhaawacyo culusna ku soo gaadhsiisay sida ay dadka deegaanku Saxaafadda u xaqiijiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, Miinada la qaraxday labada Gabdhood ee Xoolaha la joogay, ayaa ku soo beegantay maalinta caalamiga ah ee loo aqoonsaday maalinta Miinada adduunka oo sannad kasta caalamka laga xuso 4-ta bishan April, isla markaana dadweynaha dunida lagu baraarujiyo, laguna wacyigeliyo halista ay Miinadu leedahay iyo inay ka foojignaadaan dadka ku nool dalalka had iyo jeer dagaalladu ka dahcaan oo ay isticmaalka Miinadu ku badan tahay, gaar ahaan dalalka Afrika oo dagaallo sokeeye intooda badan ka dheceen, kana dhacaan ama-ba ay ka socdaan.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles