Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wafdi Ururka Al Islaax oo Booqasho Ku Jooga Masar, Lana Kulmay Ikhwaanul Muslimiinka

$
0
0

Sheekh Maxamed Axmed Nuur Garyare.

Qaahira (RBC) Wafdi ka socda ururka Al Islaax Al Islaamiya ee Soomaaliya ayaa booqasho ku jooga magaalada Qaahira ee wadanka Masar tan iyo maalinimadii Talaadada ee usbuucan, sida ay shaacisay warbaahinta dalka Masar.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya Sheekh Maxamed Axmed Nuur Garyare oo ah guddoomiyaha ururka Al Islaax ee Soomaaliya oo ah Dhaqdhaqaaq Islaami ah oo xiriir la leh ururweynaha Ikhwaanul Muslimiinka ee fadhigiisu yahay wadanka Masar.  Xubnaha wafdiga Al Islaax waxaa kaloo xubno ka ah Maxamed Axmed Maxamed iyo Ismaaciil Cabdi.

Afhayeen u hadlay ururka Ikhwaanul Muslimiinka Axmed Cariif ayaa sheegay in wafdigan ay kulan la qaateen masuuliyiin ka tirsan Ikhwaanka dalka Masar ayna ka wada hadleen arrimo khuseeya ururkooda.  Kulanka ayaa ka dhacay xarunta weyn ee Ikhwaanka ee ku taalla deegaanka Muqatam ee magaalada Qaahira.

“Haddey jiri lahaayeen wax kale oo laga hadlay waan sheegi lahayn.” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Axmed Cariif.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Ikhwaanul Musliimka ay ugu baaqeen walaalaha Soomaaliya inay midoobaan ayna iscaawiyaan.

Masuuliyiinta Al Islaax ee Soomaaliya faahfaahin kama aysan bixin socdaalkooda wadanka Masar iyo kulamada ay la yeesheen masuuliyiinta Ikhwaanul Muslimiin.

Booqashadan ayaa timid xilli ururka Al Islaax Al Islaamiya oo ah dhaqdhaqaaq qunyar socod Islaami ah oo ka jira Soomaaliya ay u kala qeybsameen labo dhinac oo kala ah kooxdii hore oo hadda loo yaqaano “Dam Qadiim” oo weli gacanta ku haya magacii iyo hantidii ururka iyo kooxda cusub oo loo yaqaano “Dam Jadiid” oo sida la sheego saameyn weyn ku leh dawlada cusub ee hadda ka jirta Soomaaliya.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles