Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada oo Sheegtay iney xarumo Caafimaad ka hirgalineyso Gobolka Galgaduud

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Wasaarada caafimaadka dowlada Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladaha caafimaad ee deegaanada gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya waxayna sheegtay in dhawaan guud aah deegaanada iyo degmooyinka gobolkaas ay ka hirgalineyso mashruuca daryeelka caaafimaadka deegaanada dalka oo ay hore wasaaradu ugu dhawaaqday.

Agaasimaha waaxda caafimaadka wasaarada horu marinta adeega bulshada Dr C/risaaq Axmed  ayaa sheegay in wasaaradu ay qorsheynayso iney adeegyo caafimaad eee ded deg ah gaarsiiso gobolka oo uu sheegay iney ka jiraan xaalado caafimaad oo liita kuwaas oo sida uu sheegay u baahan in si dhaqso ah looga jawaabo.

Wuxuuna tilmaamay in baaxada gobolka Galgaduud iyo tirada goobaha caafimaad ee ku yaalla gobolkaas aysan ahayn kuwo isku dhigma sidaas darteedne ay dowladu qorsheysay iney sida ugu deg degga badan u gaarsiiso gobolkaas adeegyo caafimaad iyio dawooyin si loogu daboolo baahida caafimaad ee ka jirta xiligan.

Agaasimaha waaxda caafimaadka wasaarada adeega ayaa sheegay in qorshaha dowlada ee daryeelka adeega caafimaadka Aas-aasiga ah uu yahay sidii dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo dhamaystiran.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles