Nairobi(RBC Radio) Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya ayaa maanta booqday qasriga madaxtooyada dalka Kenya halkaas oo uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay hogaaminta dalka Kenya Uhuru Kenyatta danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Max’ed Cali Nuur Ameeriko ayaa madaxweynaha Kenya gaarsiiyey dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday madaxweyanah Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh. Max’uud.
Max’ed Cali Nuur Ameeriko ayaa kadib kulanka uu la qaatay madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta wuxuuna saxaafada u sheegay markii uu soo didlaaday kulankii uu la yeeshay madaxweyne Uhuru ayuu sheegay iney ka wada hadleen arimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dalka.
Ameeriko ayaa sheegay inuu madaxweynaha Kenya gaarsiiyeen fariin hambalyo ah oo uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max’ud taasoo uu Uhuru kaga hambalyeynayo guusha weyn ee uu ka gaaray doorashadii dalka Kenya ka dhacday bishii April ee ina dhaaftay.
Xaflada dhaarinta madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo la filayo ine Nairobi ka dhacdo bilowda todobaadka soo socda ayaa waxaa lagu wadaa iney ka qayb gali doonaan madax sare oo ka socota dowlada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho