Dooxa [RBC Radio]Magaaladda Dooxa ee dalka Qadar waxaa kusugan wafti balaaran oo kasocda maamulka Puntland waftigaas waxaa
hor socda horkacayay wasiirka Maaliyada Puntland Mudane Faarax Cali Jaamac waxna waftigaasi qayb ka ah xubno kamid ah golaha wasiirada Puntland.
Waftiga ayaa xiligii ay gaaren dalka Qadar waxaa si weyn uu soo dhaweyay jaaliyadda reer Puntland ee ku dhaqan dalkaasi waxana loo gal biyay hotelka ay ka dageen Dooxa ee MerWeb.
Dhinaca kale waftiga ayaa kulan laqataay jaaliyadda Puntland ee kusugan dalkaasi waxaa uu kulan kooda ahaa mid xog wareysi ah kasii oo waftigu jaaliyadda uga war bixinayey xaaladda ka jirtaa Puntland.
Wasiirka Maaliyada Puntland Mudane Faarax Cali Jaamac oo horsocday waftiga ayaa si kooban uga warbixiyey xaaladda Puntland iyo horumarada cusub eek a jiraa deegaanada Puntland,wasiirka ayaa baaq usoo jeediyay jaaliyadda reer Puntland eek u nool dalka Qadar waxaa uu ugu baaqay inay ka qeyb qaatan daa dihinta horumarada ka jiraa deegaanada Puntland,waxaa uu intaasi ku daray wasiirka in looga fa dhiyoo jaaliyadda reer Puntland ee dalka Qadar maalgalinta deegaanada ay ka soo tageen.
Waftigaan ayaa lugu waada inuu siddoo kale gaaro magaaloyin kale oo ka mid ah dalka Qadar halkaasi oo ay kulama kula leeyihiin jaaliyada reer Puntland eek u dhaqangubaha ay tagayaan.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio