Muqdisho(RBC Radio) Midowga Afrika ayaa soo dhaweeye ciidamada dalka Sierra leone oo shalay soo gaaray wadanka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubooyinka wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika Max’ed Saalax Annadif ayaa si diiran usoo dhaweeyey Ciidanka Sierra leone ee soo gaaray Soomaaliya.
Max’ed Saalax wakiilka midowga Afrika ayaa u mahad celiyey madaxweynaha dalka Sierra leone oo uu sheegay inuu kaalin weyn ka ciyaaray sidii ciidanka dalkiisa uu ugu soo biirin lahaa hawlgalka AMISOM ee midowga Afrika ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.
Annadif ayaa sheegay in imaanshaha ciidamada dalka Sierra leone ay qayb libaax leh ka ciyaari doonaan dagaalka qaraar ee lagula jiro alshabaabka dagaalka ka wada dalka Soomaaliya kuwaas oo diidan jiritaanka dowlada Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee taageeraya dowlada Soomaaliya.
Wakiilka ayaa intaa ku daray in ciidanka dalka Sierra leone ay dalka Soomaaliya u yimaadeen kadib markii ay ka damqadeen dhibaatada haysata walaalahooda Soomaaliyeed sida uu sheegay,ciidamada dalka Sierra leone ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo kuwaas oo qayb ahaan bedeli doona ciidamada dalka Kenya hada gacanta ku haya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada hoose
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho