Kismaayo(RBC Radio) R/wasaarihii hore ee dowladii kumeelgaarka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maalmihii danbe ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya inet taageerto rabitaanka shacabka ku dhaqan gobolada Jubada hoose,Jubada dhexe iyo Gedo.
Cumar C/rashiid ayaa sheegay inuu Kismaayo u joogo sidii uu taageero ugu muujin lahaa shirka ka socda Jaamacada magaalada Kismaayo,wuxuuna tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay la gudboontahay iney tixgaliso dareenka iyo rabitaanka shacabka goboladan oo uu sheegay iney go’aansadeen samaysashada maamul goboleedka Jubaland.
Sharmaarke ayaa tibaaxay in waxyaabaha Kismaayo uu u yimi ay tahay sidii uu madaxda dowlada Soomaaliya uga dhaadhicin lahaa in la taageero shirka Kismaayo isla markaane uu iskugu soo dhaweyn lahaa fikirada isdiidan ee dowlada iyo masuuliyiinta ku hawlan shirka samaynta Jubaland.
Cumar C/rashiid ayaa sheegay in waxyaabaha la isku hayo ay u badan yihiin qodobada dastuurka qaranka oo ay siyaabo kala duwan u daliishanayaan,wuxuuna tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay waajib ku tahay iney u hogaansanto go’aanka shacabka gobolada Jubaland.
Wuxuuna rajeeyey in shirka Kismaayo uu kasoo boxo maamul goboleed ay heshiis ku wada yihiin dhamaan bulshada ku dhaqan saddexda gobolka ee la doonayo in loo dhiso Jubaland ee Jubada hoose,Jubada dhexe iyo Gedo.