Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo lugtii koowaad ee safar uu ku marayo wadamada gobolka geeska Afrika ku jooga magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti ayaa ka warbixiyey kulan uu halkaa kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka koowaad ee dalka Cabdi Faarax ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay madaxweyne Geelle ay diirada ku saareen xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ahaa ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Jabuuti.
Raysal wasaaraha ayaa sheegay iney si gaar ah uga wada hadleen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sidii ay labada dal iskaga kaashan lahaayeen dhanka amniga,wuxuuna sheegay inuu dalkaa uga mahad celiyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka ciyaareyso nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.
R/wasaaraha oo hadal kooban siinayey warbaahinta dalka Jabuuti ayaa sheegay in safarkiisu uu yahay mid dheer oo uu ku marayo dhamaan wadamada gobolka oo ay ka mid yihiin Ethiopia,Uganda,Brundi iyo Kenya,wuxuuna ku sheegay ujeedka safarkiisa sidii loosii xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya wadmadaas oo ciidankooduy ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho