Beledweyne(RBC Radio) Dhalinyarada magaalada Beledweyne oo is abaabulay ayaa ka bilaabay magaaladaas dib u dhgis ay ku samaynayaan goobihii Taariikhiga ahaa ee ku yaallay magaalada,dhalinta is xilqaamay ayaa ku midoobay urur dhalinyaro oo la magac baxay horumarinta iyo mideynta dhalinyarada.
Gudoomiyaha ururka horu marinta iyo mideynta dhalinyarada gobolka Hiiraan Max’ed C/laahi Buraale ayaa sheegay in dhalintani ay go’aansatay iney dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan kadib marki ay arkeen in kaalinta dhalinyaradu ay banaantahay isla markaane aysan dalka ka jirin dowlada daboosha baahiada shacabka Soomaaliyeed.
Max’ed C/laahi ayaa tilmaamay in dhalinyaradan ay si iskood ah u goosteen iney dib u dhis ku sameeyaan goobihii caanka ahaa ee ay lahayd magaaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,wuxuuna ka xusay goobaha ay dib u dhiska ka bilaabeen Taaladii Daljirka-dahsoon ee ku taallay bartamaha magaaalada taasoo uu sheegay iney waayihii colaadaha noqotay goob qashin qub ah.
Wuxuuna sheegay iney sidoo kale dib u dhis ka wadaan goobo dhowr ah oo ka tirsan meelihii xasuusta qaran ee ay magaaladu lahayd sida Aargooyinkii iyo Taalooyinkii ku yiilay magaalada Beledweyne,wuxuuna tilmaamay in dhalintani ay si iskood ah ugu dhiiradeen qabashada hawsha baaxada intaa la eg leh iyaga oo aan haysan taageero ka baxsan jeebkooda.
Gudoomiye ururka dhalinyarada horumarinta iyo mideynta dhalinyarada Max’ed C/laahi ayaa ugu baaqay dhamaan qaybaha bulshada gobolka Hiiraan ineyn is barbar taagaan dadaalada ay wadaan dhalinyaradoodu isagoona ku nuuxnuuxsaday iney gabi ahaan dalka dhisi karaan hadii ay isku tashadaan shacabka gobolku.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho