Nairobi (RBC) R/Wasaarihii hore Soomaaliya Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo lagu martiqaaday xaflad lagu daahfurayey Xisbiga DADKA ee Puntland oo ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalkaas Mareykanka ayaa waxa uu khudbad halkaas ka jeediyey kaga hadlay arimo badan oo ay kamid tahay Dimuqradiyada xeerarka ku xeendaban iyo Fedraalka.
Bilowgii Dimuqraadiyada Soomaaliya iyo Doorka Dadka Puntland ay kasoo Qaateen
Dr C/Wali ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Puntland tahay dadkii bilaabay dimuqraadiyada Soomaaliya.
“Dadka Puntland hal bey ku fiican yihiin Dimuqraadiyada Soomaalidu ka hadasho ama hanoqoto Gobanimadoon, ama hanoqoto Xoriyada raadinteedii, ama hanoqoto Dimuqraadiyadii Soomaliya ka bilaabatay waxey ahaayeen dadkii bilaabay ayey ahaayeen”
Puntland iyo Federaaliisimka
Dr C/Wali ayaa waxa uu kulanka ka sheegay in uu aad u taageersan yahay nidaamka Fedraalnimada oo uu yahay taageeraha ugu weyn qaabka Fedraalnimada oo ay Soomaalida qaateen in ay wax kuwada wadaagaan iskuna dhaqaan.
Mudane Gaas waxa uu yiri “Inbadan waan ka hadlay aniga waxaan ahay taageeraha ugu weyn nedaamka fedraalnimada sababta aan u leeyahay shirkii baan idiinkaga sheegay hada ku celinmaayo laakiin halbaan idiin sheegayaa Puntland dabeecad bey leedahay, dabeecada ay leedahay waxaa weeye marka aan Soomaalida la hadleyno waxaan dhahnaa Fedraaliisim Fedraaliisim Fedraaliisim anaga marka ay noo timaadaana waa madax ka nool”
Dr C/Wali oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri.
“Sabab, waa in runta isku sheegnaa weeye maxaa Gofernatooraha Boosaasood iyo Meeyerka Gaalkacyo looga soo magacaabayaa Garoowe meeday decentralization ku waxaan u baahan nahay hadii ay dhab naga tahay Fedraaliisimka waa aanu ka bilownaa Puntland waa in iyadu ku dhaqantaa af lama rabo ficiliyan baa la rabaa oo loo baahan yahay”
“Taa hadii aan la diidin oo aan laga horimaan wax diidayaa ma jiraan in Xamar laga soo magacaabo Meeyarka Gaalkacyo maxaa diidaya wax diidayaa ma jiraan” ayuu yiri Dr C/Wali.
Nabada iyo Xisbiyada
Nabada Puntland waa in la adkeeyaa ayuu ku xoojiyey Ururada Puntland dhamaantood waxa uuna yiri.
“Waxaa muqadas ah oo lagamaarmaan ah in aanu marwalba ilaalino nabadgalyada iyo xasiloonida iyo daganaanshaha Puntland waa muhiim, dadka mucaaradka oo kale matalan lagama ogolaan karo in ay fowdo suubiyaan muxaafidkana iyo xukuumadana lagama aqbalayo in la yiraahdo dadka fowdo ma rabaane waxaan doonaa suubinayaa lama ogolaan karo naftirkeeda”
“Waa ay isku xiran yihiin labadooda mucaarad fowdo kaama rabno jooji hadaad fowdo wadid, laakiin muxaafidoow adiga ha oran dadka Puntland fowdada ma jecla waxaan doonaa ku tijaabinayaa ma jirtee ogaada” .
Jubbaland
R/Wasaarihii hore Soomaaliya Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka ka sheegay in aad u taageersan yahay dhisida Maamul Goboleedka Jubbaland oo hada ka socda magaalada Kismaayo.
“Waa in la taageeraa waxa lagu taageerayaa dadka Jubbaland wax kale ma rabaan waxa dastuurka ku qoran oo ay xaqa u leeyihiin ayey rabaan qofka haduu yahay lilaahi oo uu ilaah ka baqayo waxa wanaaga ah oo dhabta ah ayaa la rabaa in aad taageerto lagu taageerimayo Jubaland in ay suubiso dhibaato hada waxaan ka hadlaayey xaquuqda dadka laga tirada badan yahay waxaa wanaaga ah iyada oo aan la diidayn doorka Dowladda leedahay ayaa waxaa la rabaa in lagu taageero idna ad ku taageertaan maal, af, adin” ayuu yiri Dr Cabdiwali Gaas.
Dardaaran
Ugu danbeyntii waxa uu Dr C/Wali kula dardaarmay dhamaan taageerayaasha Xisbiga UDAD iyo Xisbiyada kale ee Puntland ka dhisan in wanaag iyo karti la yimaadaan waxa uuna yiri.
“Dardaarankeyga oo aan farayaa xisbiyada Udad iyo inta kale waxaa weeye intaan hada kasoo hadlay hadaad la timaadaan fikirkeedii iyo caqligeedii ay idinka muuqatana waa la idin taageerayaa dadka Puntland waa idin taageerayaa hadii rabi yiraahdo dadka Puntland waxa ay u baahan yihiin Iskuulo, Cisbitaalo, Biyo, Nabadgalyo, waxay u baahan yihiin wiilasha iyo gabdhaha saxaraha iyo tahriibta ku dhimanaya in shaqo loo abuurey u bahan yihiin waxaa loo baahan yahay badal dhab ah in aanu la nimaano, Puntland waxaanu u baahan nahay in Puntland aysan kala furfuran in laisku soo celyey oo la isku keeno ayey u baahan tahay ”
Dr Cabdiwali waxa uu khudbadiisii kusoo gabagabeeyey oo yiri
“Isbadalkaas hadaad keeni kartaan UDAD iyo inta kale SOO DHAWAADA hadii kale Puntland dhib badan waa ay qabtay mid kale in loogu sii daro uma baahna”
Kulanka UDAD ee Minneapolis Lagu Qabtay Halkaan Hoose ka Daawo
Malyuun Cali
RBC Radio
MalyuunCali@Gmail.com