Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiir Kuxigeenka Kalluumeysiga Puntland: Wax baan ka Qabaneyaa Doonyaha Jariifka Ku Haya Xeebaha gobolka Bari[Dhageyso]

$
0
0

 

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Muuse Geele Yuusuf”Faroole”

Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland ayaa si kulul uga hadashay Doonyaha Shisheeye ee Xaalufinta ku haya Xeebaha gobolka Bari,

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Muuse Geele Yuusuf”Faroole” oo ka Jawaabayey Baaq iyo Cabasho kasoo yeertay Iskaashatada Kalluumeysatada gobolka Bari ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan dhibaatada taagan.

Waxa uu xusay Wasiirku in dadaal dheer ugu jiraan wax ka qabashada Doonyahaas ka socda wadamada Iiraan iyo Yemen dhawaana ay tallaabo Sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

Mudane Muuse Geele Yuusuf ayaa u Cadeeyey Kalluumeysatada deegaanada Xeebaha ah ee gobolka Bari in Wasaaraddu tahay Siyaasadeeda kowaad ilaalinta Dadka iyo Xeebaha Puntland isla markaana ka hortageyso dhibaato kasta oo soo Wajahda.

Halkan ka Dhageyso Codka Muuse Geel Yuusuf “Faroole” Guji Halkan

Taageera Ciidanka Badda!!

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa ka Codasaday kalluumeystada gobolka in gacan siiyaan Ciidamada Badda Puntland si ay ula dagaalamaan kuwa Jariifka ku haya Xeebaha gobolka.

..”"”Waxaa loo baahanyahay oo Ciidanku ma shaqeyn karo haddii bulshadeena Xeebaha kunool oo kalluumeysatada ah aaney wada shaqeyn oo iyagu aaney gacan ka helin,Ciidanka Baddana,waxaa loo dhisay iney ka ilaaliyaan dadka kuwa dhibaateynaya bulshadooda iyo Baddooda,…”"”ayuu yiri Muuse.

 

Qaar kamid ah Odayaasha Cabasha Ka Muujiyey Doonyaha Shisheeye

Bulshada ku dhaqan Xeebaha ee ka Cabanaya Doonyahaas ayuu uga digay ineysan ka Xumaan marka qof deegaanka ka mid ah loo qabto arrimaha Jariifka lana socda Iiraaniyiinta iyo Yemen.

…”"Haddii dadka deegaamada ah gacan ka helin oo ay u arkaan markii qof isagu doon keensaday lasoo qabto amba tallaabo laga qaado,ina hebl baa la qabsaday,ina hebel baa loo danleeyahay inaan la oran…”"”"ayuu xusay.

Dhanka kale Nabadoon Abshir Dhagcas oo isna ka hadlay dhibaatada doonyaha Iiraan iyo Yemen ay ku hayaan Xeebaha gobolka Bari ay tahay kuwa hoos u dhigay dhaqaalaha dalka,isla markaana wuxuu ku tilmaamay in laba Burcad dadka dhibaato kuhayaan.

Halkan ka Dhageyso Codka Nabadoon Abshir Dhagcas Guji Halkan

Si kastaba hadalka Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa imaanaya xili dadka kalluumeystada ah ee ku dhaqan Xeebaha gobolka Bari ka Cabanayaan Doonyo laga leeyahay Iiraan iyo Yemen kuwaas oo Xaalufin ba’an ku haya kheyraadka Badda.

__________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles