Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka Warfaafinta Puntland Oo Faah-faahin ka Bixiyey Idaacadaha la Joojiyey iyo Ururka MAP Oo Go’aankaas Dhaliilay

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir

Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha iyo Dhaqanka Dawladda Puntland ayaa ka hadashay Sababaha keenay in Iridaha Isugu laabto Saddex Idaacadood oo kuyaala Puntland,kuwaas oo amar lagu siiyey iney Hawada ka baxaan ilaa amar danbe.

Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir oo Saxaafadda gudaha la hadlay ayaa sheegay in Saddexda Idaacadood ee la xiray ka dhaga adeygeen amar dhawaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiin,Hidaha iyo Dhaqanka Puntland.

Eng Maxamuud Caydiid Dirir ayaa xusay in Saddexda Idaacadood mudaba u sheegayeen in aysan sii-deyn karin Idaacadaha Bar-kulan,Ergo iyo Hirad kuwaas oo dhamaantood aan Xarumo Warbaahineed ku lahayn deegaanada Puntland.

Wuxuu tibaaxay in Ujeedada ay uga Mamnuuceen deegaanada Puntland baahinta iyo dhageysiga Idaacadaha Bar-kulan,Ergo iyo Hirad ay tahay in ay yihiin kuwa aan ka Shaqeyn danta Ummadda Puntland iyo Dawladeedaba,taasina aan loo dulqaadan karin.

Wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafintu in tallaabada lagu xiray Saddexda Idaacadood diyaar u yihiin wadahadal kasta oo lagu Xalinaayo khilaafka ka taagan arrinta Idaacadaha la mamnuucay isla markaana la isugu imaan doono meel dhexe.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee Map Burhaan Axmed Daahir

Dhanka kale Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee Map Burhaan  Axmed Daahir ayaa sheegay in Weerar aan gabasho lahayn lagu soo qaaday Saxaafadda madaxa banaan ee Puntland isla markaana,wuxuu Canbaareeyey tallaabada lagu xiray Idaacadaha.

Burhaan Axmed Daahir oo Saxaafadda kula hadlay magaaladda Garoowe ayaa sheegay in Dawladdu wado aamusinta Saxaafadda iyo Shacabka taasina aysan aqbali karin Suxufiyiinta Puntland ee kuguda jira hawlahooda shaqo.

Warsaxaafadeed lagu daabacay Bogga Radio Daljir ayey ku sheegeen in amarka Wasaaradda Warfaafinta Puntland aqbaleen ayna Joojiyeen baahinta Idaacadaha la mamnuucay,waxaase xusid mudan in Idaacadda Daljir ay tahay weli mid hawada ku jirta si toos ahna looga dhageystay Warkeeda Habeenimo halka ,Idaacadda One Nation ay hawada ka maqantahay.

______________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles