Gaalkacyo[RBC Radio]Suldaan C/qaadir Suldaan Cali (Kaynadiid) oo ka mida isimada Puntland ayaa maantay xili uu lahadlay warbaahinta waxaa uu sheegay inay soo dhawnayan habka uu ku socdo shirka kasocda magaaladda Kismaayo ee la doonayo in lugu dhiso maamulka Jubba-land.
Suldaan C/qaadir Suldaan Cali (Kaynadiid) ayaa sidoo kale hadalkisaan ugu baaqay Dawladda Soomaaliya inay Taageerto Shirka Kismaayo oo uu ku tilmaamay mid ku yimid rabitaanka shacabka gobaladaasi ana ladudsiinkarin bulsho masirkeeda ka tashanaysaa.
“Isimada Puntland waxaa ay soo dhawenayaan habka quruxda badan ee uu xiligaan kusocdo shirka Kismaayo ee lugu dhisayo maamulka ay yelanayaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxana fikir ay ku mideysan yihiin dhamanba gobaladaasi waxana loo bahan yahay in uu taagero ruux kasta oo Soomaaliyed shirkaasi,dowladda Soomaaliya waxan ugu baaqena inay iyaduna ka qayb qaadato shirkaasi maadama uu yahay shir sax ah oo ku yimiid fikirka dadka wada dagaa goboladda Jubba-land dowladdu yeysan ka gabsan ka qayb qaadashada shirkaasi”waxaa in taas kusoo qaday hadalkiisa Suldaan C/qaadir Suldaan Cali (Kaynadiid) oo ka mid ah isimada Puntland.
Suldaan C/qaadir ayaa sidoo kale sheegay in shirkaasi uu yahay mid loo baahnaa in xiligan la bilaabo gudo galiddiisa uuna yahay mid ay dani ugu jirto beelaha daggan deegaanadaasi ee isku afgartay maamulkaasi uu qorayo dastuurka dalka, inkastoo ay jiraan dhinacyo aan raali ka ahayn socoshada shirkaasi.
Hadalka Suldaanka ayaa ku soo aadaya xili Kismaayo ay ku sii qulqulayaan ergooyin iyo dhinacyo ka qayb galaya shirka la doonayo in lagu dhiso maamul goboleedka Jubbaland.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo