Muqdisho(RBC Radio) Shirweynaha looga wada tashanayo garsoorka dalka oo maanta galay maalintii Saddexaad ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobada uu dastuurka ka qabo garsoorka dalka waxaana kulanka maanta goob joog ahaa qaar ka titsan golaha wasiirada dowlada Soomaaliya oo ka qayb galay furitaanka shirka hadalane halkaa ka jeediyey.
Markii la guda galay shirka ayaa waxaa la falan qeeyey waxaana hadal dheer shirka ka jeediyey Xildhibaan C/Raxmaan Xoosh Jibriil wasiirkii Hore ee Dastuurka ,Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa tilmaamay Qodobbada Dastuuriga ah ee ka hadlaya Muhiimadda uu leeyahay Garsoorka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay Bulshadu hesho Nidaam Caddaalad ah oo lagu kala saaro markii uu isqabad yimaado.
Xildhibaanka oo sii wata khudbadiisa ku aadaneed qodobada dastuuriga ah ee ka hadlaya garsoorka ayaa in yiri “Awoodda Garsoornimada waxaa iska leh Maxkamadaha ,ayuu qabaa dastuurka ay ku dhaqmeyso Dowladda Soomaaliyeed kaasoo la meelmariyay 1-da August ee sanadkii 2012-ka, waxaana sidoo kale uu Dastuurku amrayaa in la hirgeliyo Maxkamad dastuuri ah oo ka madax bannaan Golaha Fulinta iyo Baarlamanka”.
Shirka ka wada tashiga iyo dib u habaynta dasuurka oo la qoondeeyey inuu socon doono muddo shan cisho ah ayaa waxaa lagu wadaa iney kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah oo wax badan ka bedeli doona garsoorka xiligan ka jira Soomaaliya.
RBC Radio
Muqdisho