Kismaayo (RBC Radio) Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Dawlada Fedaralka ee Soomaaliya oo tiradodu ay gaarayso 44 mudane, ayaa manta si diiran loogu soo dhaweyay magaalo xeebeedka Kismaayo kuwaas oo sida ay sheegeen u yimid bogaadinta qorshaha Maamul Usamaynta Jubaland.
Markay soo caga dhigatay diyaaradii siday mudanayasha Barlamanka ee Kismaayo boqashada ku yimid ayaa waxaa halkaas soo dhawayn aad usaraysa ugu qabtay masuuliyinta maamulka KMG ah ee magalada Kismaayo ururrada bulshada rayidka xooxda baan beyda iyo sarakiil ka tirsan ciidamada Midawga Afica ee AMISOM.
Intaas kadib ayaa waxaa loo galbiyay xarunta jaamacada magalada Kismaayo halkas oo lagu qabtay xaflad aad u balaran oo lagu soo dhawaynayay xildhibaanada heerka qaran ee magalada Kismaayo yimid waxaana halkaas laga jeediyay qudbado kala duwan dhamaantoodna isgu biya shubanayay in xildhibanadan oo labada maalmod ee soo socota Kismaayo joogi doona ay tagersan yihiin imika sida ay wax u socdaan oo kalintodana ay ciyaari donan si looga mira dhaliyo dadalka lagu dhisayo Dawlad Goboleedka Jubaland.
Mudanayasha baarlamanka ayaa waxaa lagudoonsiyay nuqulo kamid ah axdiga Jubaland kaas oo ay ka munaqashoon doonan wixii talo iyo tusaale ahna ay ku biirin doonan.
Dhanka kale waaxaa manta uu dib u dhac uu kuyimid xafladi soo dhawaynta dastuurka iyo taagista calan la sheegay in uu u gaar noqon doono Maamul Goboleedka Jubaland taas oo lagu wado in maalinimada bari ah ay dhacdo sidaasna waxaa warbahinta u sheegay Gudoomiyaha Maamulka KMG ah ee magalada Kismaayo SH Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo sabab uga dhigay wafdiga xildhibaanada ah oo xafladii manta dhicilahayd mid iyaga lagu soo dhawaynayo loo badalay.
RBC
Kismaayo