Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20242

DEG DEG: Dawladda Puntland oo Albaabada Isugu Laabtay Saddex Idaacadood[Akhriso Wareegtada]

 

Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa albaabada Isugu dhufatay Saddexda Idaacadood ee “Radio Daljir,One Nation iyo Codka Nabadda ka dib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasaaradda.

Xiritaanka lagu Sameeyey Xarumaha Idaacadahaan oo ka hawlgalaayey Puntland ayey Wasaaradda Warfaafintu Wareegto kasoo baxday ku sheegtay in ay Caadeysteen jebinta Dastuurka Puntland,Xeerka Warbaahinta iyo kala danbeynta sida uu qabo Dastuurka Puntland.

Waxaa kale oo lagu sheegay Wareegtada in Saddexda Idaacadoodba ay Caqabad ku yihiin amaanka,kaladanbeynta,Xaalad abuur joogto ah ku hayaan dalka isla markaana ay daba ka wadaan dad aan u dhalan deegaanada Puntland.

Sababta ugu weyn ee Idaacadaha Daljir,One Nation iyo Codka Nabada la isugu laabay albaabada ayey Wasaaradu ku tilmaantay in ay ka dhaga adeegeyn amar lagu siiyey Joojinta Idaacadaha baahinta Saddexda Idaacadood ee kala ah Bar-Kulan,Radio Ergo iyo Radio Hirad.

Madaxda Saddexda Idaaacdood kama aysan hadlin Sababaha loo xiray xarumahooda iyo amarka dawladda ee la sheegay in ay ka dhaga’adeygeen fulintiisa.,waxayna durbadiiba u Hoggaansameen amarka Talisku siiyey.

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Raxanreeb.com kala soco faahfaahinta Warkaan

_______________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20242

Trending Articles