Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wafti ka socda Qaramada Midoobe oo kulan la Qaatay Saraakiisha Booliska Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Kaaliyaha qaramada midoobe u qaabilsan ka hortaga tacadiyada loo geysto haweenka caalamka oo maanta Muqdisho kulamo kula qaadatay ayaa sheegtay in qaramada midoobe ay dadaal dheer u galeyso sidii looga hortagi lahaa tacadiyada faraha badan ee lagu hayo haweenka Soomaaliyeed.

Zainab Boungura oo ah kaaliyaha qaramada midoobe u qaabilsan ka hortagga tacadiyada lagula koco haweenka aduunka ayaa sheegtay iney maanta kulamo la qaadatay saraakiisha ugu sareysa ciidamada booliska oo uu ka mid ahaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhuna Maye.

Waxayna sheegtay iney booliska Soomaaaliyeed kala hadleen sidii loo joojin lahaa tacadiyada loo geysto haweenka kuwaas oo bilihii u danbeeyey kusoo kordhayey gudaha dalka Soomaaliya  kuwaas oo ay ugu badan yihiin kufsiga oo kusoo badanaya Soomaaliya gaar ahaan xeryaha barakacayaasha.

Zainab Boungura ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dalka Soomaaaliya soo gaari doonaan koox ka socota qaramada midoobe oo u xilsaaran la socdka iyo qiimeynta tacadiyada lagu hayo haweenka Soomaaliyeed oo ka tirsan qaybaha bulshada ugu nugul kuwaas oo xiliyada qaar la kulma dhibaatooyin ba’an oo ay raggu u geystaan.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles