Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Xassan Max’ed Nuur Shaati-gaduud oo ku geeriyooday wadanka Jarmalka oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Shaati Gaduud oo mudo fara badan ku jiray Cisbitaal ku yaalla wadanka Jarmalka halkaas oo lagu dabiibay kadib xanuun uu la ildarnaa mudooyinkii danbe wuxuuna tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay ka tacsiyeynayso geerida ku timi Alle ha u naxariistee Shaati Gaduud oo ka tirsanaa dadka sida weyn looga yaqaano gobolada dalka.
Madaxweyne Xasan Sh ayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney iska cafiyaan Shaati Gaduud wuxuuna Alle uga baryey inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Fardowsa eheladii,qaraabadii iyo saaxiibadiisane uu samir iyo Iimaan ka siiyo
Wuxuuna intaa raaciyey madaxweynuhu in meydka marxuumka la keeni doona gudaha dalka isagoona tibaaxay in aas qaran loo dhigi doona marxuum Xassan Max’ed Nuur Shaati Gaduud oo ku dhintay dalka Jarmalka
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho