London(RBC) Wararka ka imaanaya magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska ayaa ku waramaya in halkaas lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Max’ed Xuseen waxaana la sheegay iney toogteen kooxo aan la garaneen.
Booliska dalka Ingiriiska ayaan ilaa hada cid usoo qaban dilka Max’ed Xuseen waxaana meydka laga helay isagoo yaala wadada lagu magacaabo Bounces ee ku taalla xaafada Edmonton ee bariga magaalada London ee caasimada dal weynaha Ingiriiska.
Mik kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka uu ka dhacay falka dilka ah ee loo geystay wiilka Soomaaliyeed ayaa ku warantay iney maqashay xili ay ku sugneed gurigeeda dhawaqa rasaas ka dhacday dhanka banaanka kadibne ay aragtay qof si aad ah u dhiig baxaya oo yaalla wada.
Booliska dalka Ingiriiska ayaa baaritaano ka wada goobta uu ka dhacay falka dilka ah waxayna ka dalbadeen dadka ku dhaqan nawaaxiga uu falka dilka ah ka dhacay iney kala shaqeeyaan booliska sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaashii ka danbeeyey dilka Max’ed Xuseen oo ahaa 19 jir asalkiisu Soomaali ahaa.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho