Jabuuti(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa dalka dibadiisa u aaday safarkii ugu horeeyey tan iyo bishii October markii xilkaas loo magacaabay,r/wasaaraha iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta barqanimadii ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti.
Waftiga R/wasaaraha ayaa markii ay gaareen gagida diyaaradaha magaalada Jabuuti waxaa si diiran halkaas ugu soo dhaweeyey wafti uu horkacayey R/wasaaraha cusub ee dalka Jabuuti C/qaadir Max’ed Kaamil iyo xubno fara badan oo ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Jabuuti.
R/wasaaraha ayaa loo galbiyey gudaha magaalada Jabuuti halkaas oo waqti xaadirka uu wada hadalo kula leeyahay madaxda ugu sareysa dalka Jabuuti oo uu horkacayo madaxweynada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
R/wasaaraha ayaan dalka dibada uga bixin tan iyo markii xilkaas loo magacaabay dabayaaqada sanadkii dhamaaday ee 2012 waxaana la filayaa inuu dalka Jabuuti uga sii gudbo wadamada Kenya iyo Yugaandha oo uu madaxda dalalkaas kala hadli doono cilaaqaadka kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii ay usii xoojin lahaayeen taageerada ay siiyaan dowlada Soomaaliya.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa horaan u sheegay inuusan dalka dibada uga bixi doonin ilaa uu soo hagaago amniga gudaha ee dalka wuxuuna daboolka ka qaaday inuu joojiyey casuumaado dhowr ah oo uu ku tagi lahaa dalalka caalamka balse uu iska diiday taa bedelkeedane wuxuu safaro ku maray magaalooyin badan oo dalka ah sida Beledweyne,Dhuusamareeb,Caabudwaaq,Cadaado,Gaalkacyo,Garoowe Kismaayo,Jowhar iyo Garbahaarey.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho