Burtinle[RBC Radio]Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal waxaa ka bilamay dayactirka wadooyinka magaalada qaarkood kuwaasi oo cabasho farabadan oo soo noqnoqata ay kasoo baxayeen muddadi danbe.
Maamulka cusub ee degmada Burtinle oo gacan ka helaya qaybaha bulshada ayaa bilaabay dayactirka wadooyinka magaalada qaarkood kuwaasi oo ah kuwa xiligaan uu ka muqdo burburka.
Dayactirkan oo qaybtiisii ugu horaysay maamulku uu ka bilaabay wadada dheer ee dhex marta magaalada Burtinle ayaa waxaa lagu buuxinayaa dhamaan gododka iyo meelaha dayactirka u baahan ee wadadaasi oo in mudo ah burbursanayd dhibna uu ka haystay Gaadiidlayda isticmaasha.
Dhisida jidadkaan iyo dayactirka ayaa ah kuwo ay iska kaa shanayaan Maamulka cusub ee dhawaan degmadaasi loo doortay wuxuu la kaashanayaa qaybaha bulshada ee degmada iyo dawlada dhexe ee Puntland waxana qorshahaan hormarinayo uu qayb ka yahay Ololahan joogta oo degmada lugu hormariyo.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Burtinle mudane Liibaan Xirsi Khaliif oo saxaafada la hadlay ayaa sheehay in maamulka cusub ee degmadu uu u istaagay sidii uu wadadaas dheer u hagaajin lahaa isagoo la kaashanay dadweynaha reer burtinle iyo dowlada puntland islamarkaana loo muujin lahaa wax wada qabsi iyo isku xirnaan dhab ah.
Maamulka cusub ee degmada Burtinle wuxuu dhawaanahan ku hawlanaa sidii uu wadashaqayn toos ah ula yeelan lahaa bulshada degmada kadib markii uu shirar kala duwan la qaatay, wuxuuna muujiyaan dadaal iyo firfircoonaan dhab ah oo la xiriirta in uu wax qabad ka muujiyo meelaha ugu daran ee baahiyaha degmada iyo dadweynaha Burtinle.
Si kastoo ay ahaataba wadooyinka Magaalada Burtinle waxay baabuurtu ku qabaan dhibaatooyin farabadan wadada Laamiga ah ee magaalada dhex marta haba ugu horaysee waxayna marar badan maamuladii jiray u gudbiyeen in wax laga qabto.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo