Muqdisho(RBC Radio) Hay’ada culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweysay shir weynaha ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ee looga wada tashanayo dib u habaynta garsoorka dalka Soomaaliya gudoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed Sheekh BAshiir Axmed Salaad ayaa guul ku tilmaamay shirkaas oo ay iclaamisay isla markaane ay marti galineyso dowlada Soomaaliya.
Sheekh Bashiir ayaa sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan in shirkaas ay kasoo baxaan go’aano iyo talooyin dhaxalgal u ah bulshada Soomaaliyeed wax weyne ka bedeli doona garsoorka hada ka jira dalka oo aad loo dhaliilo iyadoona lagu eedeeyey inuusan ahayn garsoor dhamaystiran.
Gudoomiyaha hay’adah cilimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in garsoorku uu yahay aas aaska dhamaan hawlaha aadamaha sidaas darteeedne ay lagama maarmaan tahay in la helo garsoor sax ah oo dalka lagu hago,wuxuuna sheegay in hay’adaha culimada Soomaaliyeed ay soo dhaweynayso shirak dib u habaynta garsoorka.
Wuxuuna kula taliyey dhamaan bulshada Soomaaliyeed iney ka waantoobaan is dhibaateynta iyo khilaafaadka ka dhexjira,isagoona ku taliyey in guud ahaan bulshadu ay ka fogaadaan waxyaabaha aan ilaahey bannayn kuna dhaqmaan diinta Islaamka oo ah mid dadka ku hageysa dariiqa saxda ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho