Muqdisho(RBC Radio)Dowlada ayaa markale ku celisay go’aankeeda ku aaddan shirka maamul u samaynta Jubaland ee ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo xalay shacabka ay si toos ah ugala hadlayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mowqifka dowlada ee Jubooyinka uu yahay mid cad oo aan mugdi ku jirin.
R/wasaare Shiirdoon ayaa mar kale ku celiyey in dowlada Soomaaliya aysan raali ka ahayn shirka ka socda magaalada kismaayo wuxuuna ku tilmaamay in shirkaasi uu yahay mid aan ku taagneed wadadii toosneed oo la rabay in loo maro dhisda maamul goboleedyada dalka,isagoona soo jeediyey in shirkaas la waafajiyo habka sharciga ah.
Cabdi Faarax Shiirdoon Raysal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Soomaaliya ay ku talineyso soona jeedineyso in shirkaas hogaankiisa si toos ah loogu wareejiyo dowlada Soomaaliya,wuxuuna sheegay in qorshaha dowlada uu yahay in shirka Kismaayo laga dhigo labo waji.
Wuxuuna sheegay in wajiga koowaad ay tahay in laga dhigo dib u heshiisiinta beelaha ku wada dhaqan gobolada Jubooyinka iyo Gedo kadib markii la xalilo khilaafaadka ka dhexjira bulshada markaa kadib loo fariisto shirka maamul u samaynta Jubaland oo ay horseed ka tahay dowlada Soomaaliya.
Dowlada ayaa marar badan ka hadashay mowqifkeeda ku saabsan shirka la doonayo in maamulka loogu sameeyo gobolada Jubada hoose,jubada dhexe iyo Gedo oo hada ka socda dhismaha xarunta jaamacada Kismaayo ee magaaladaasi Kismaayo halkaas oo ay ku kulansan yihiin boqolaal ergooyin ah oo shirka lagu casuumay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho