Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19702

Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo soo Jeediyey in Xukuumada looga Danbeeyo arimaha Jubaland

$
0
0

Muqdisho9RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ay maalintii shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho si weyn iskugu maandhaafay arinta ku saabsan shirka maamul u samaynta Jubaland ee ka soconaya magaalada Kismaayo ayaa qaar kamid ah waxa ay soo jeediyeen in baarlamaanka uu faraha kala boxo arimaha hogaaminta siyaasada dalka isla markaane ay uga danbeeyaan xukuumada oo arintaas u xilsaaran.

Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafada la hadlayey ayaa sheegay in mudanayaasha baarlamaanku ay ka fogaadaan isbhaysiyada ku aadan hab beeleedka kadib markii shalay ay shirka baarlamaanka ka sheegeen xubno ka tirsan  baarlamaanka oo kasoo jeeda Jubooyinka iyo Gedo  iney u socdaalayaan Kismaayo si ay ugu lug yeeshaan shirka Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa kula dardaarmay mudanayaasha baarlamaanka iney qaab hayb beeleed ah ay u taageeraan arin ay ka biyo diidsan tahay dowlada Soomaaliya.wuxuuna sheegay in shirka ka socda magaalada Kismaayo uu yahay mid aan ku taagneen dariiqii saxda ahaa ee looga baahnaa.

Mudane Cismaan Xaaji ayaa sheegay in fulinta hawlaha dowlada ay masuul ka tahay xukuumada dalka isal markaane ay tahay arin aan habooneen in baarlamaanku uu faraha la galo shaqada xukuumada,wuxuuna shaaca ka qaaday in wali uusan baarlamaanka Soomaaliya meel marin sharciga hagaya dhisida maamul goboleedyada dalka,shirka Kismaayo hada ka socda ayuu ku sheegay mid ka hordhacaya qorshayaasha ay dowladu u dajisay dhisida maamul goboleedyada dalka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19702

Trending Articles