Muqdisho(RBC Radio) laada Dahabshiil ayaa ka hadlay qarax miino oo xalay ka dhacay afaafka hore ee albaabka laga galo xarunta ugu weyn shirkadaas ee magaalada Mudisho gudoomiyaha shirkada Dahabshiil C/rashiid Dahabshiil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay fiidkii qarax lagu weeraray albaabka xarunta shirkadaas ee suuqa weyn ee Bakaaraha.
C/rashiid Dahabshiil ayaa sheegay in qaruxu uu ahaa mid miino dhulka lagu aasay ah kaasoo ka qarxay albaabka bannaanka ee laga soo galo xarunta shirkadu wuxuuna tibaaxay in qaraxaasi uu ahaa miinada dhulka lagu aaso.
Wuxuuna sheegay inuu khasaare geystay balse uu ahaa mid kooban oo ku ekaa dhaawac soo gaaray mid ka mid ah shaaalaha shikada Dahabshiil kaasoo uu ku sheegay inuu ahaa taliyaha amaanka shirka Xawilaada Dahabshiil ee magaalada Muqdisho.
C/rashiid Dahabshiil oo la weydiiyey hadii ay dhacdadani la xiriirto warar maalmihii danbe soo baxayey oo ku saabsanaa in alshabaab iney Dahabshiil ka mamnuuceen deegaanada ay gacanta ku hayaan ayuu ka gaabsaday inuu cid gaara farta ku fiiqo,wuxuuna intaa ku daray in shirkada Xawaalada Dahabshiil ay dhulka Soomaalida ku leedaha in kabadan 250 xarumood oo ay shacabka ugu adeegaan hada ka horne aysan wax dhibaato ah la kulmin,wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey iney sii wadi doonaan adeega ay u hayaan bulsho weynta Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho