Muqdisho(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa sheegay iney khasaare baaxad leh gaarsiiyeen ciidamada dowlada Soomaaliya kuwa midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya AMISOM afhayeenka dhanka hawlgalada ururka alshabaab Sheekh Cabdi Casiis Abu Muscab oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab.
Abu Muscab ayaa sheegay in saacadihii u danbeeyey ay dagaalo iyo qaraxyo khsaare badan dhaliyey ay u geysteen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa kaabaya ee AMISOM wuxuuna ugu horeyn ka warbixiyey qaraxyo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya isagoona tilmaamay in qarax ay kula beegsadeen ciidamada dowlada agagaarka wasaarada gaashaandhiga.
Wuxuuna sheegay in goobtaas miinada dhulka lagu aaso lagula eegtay ciidamo halkaas ilaalo ka hayey goobtaasne ay ku nafwaayeen ciidan fara badan sida uu sheegay wuxuuna intaa ku daray in markii qaraxa koowaad uu dhacay ay goobta soo gaareen ciidamo gurmad ahaa kuwaas oo iyane uu tilmaamay in arax labaad lala beegsaday.
Abu Muscab ayaa sidoo kale sheegay iney dagaalo ay ku qaadeen ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeelaha hoose ay ku dileen ku dhawaad 21 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM,isagoona hoosta ka xariiqay iney gubeen 2 gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidanka AMISOM ee ay dagaalka ku qaadeen.
Alshabaab ayaa maalmihii danbe guulo ka sheeganayey dagaalo ay sheegeen iney ka dhacayeen gobolka shabeelaha hoose mana jiraan ilo ka madax banaan alshabaab oo xaqiijinaya sheegashada ku aadan jiritaanka sheegashada alshabaab.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho