Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dastuurka Jubbaland oo Maanta la Ansixiyey (Sawirro)

$
0
0

Kismaayo (RBC) Waxaa maanta magalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose si rasmi ah loogu an sixiyay dastuurka KMG ah ee ay ku dhaqmi doonto Dawlad Goboleedka Juba-land oo dhismahedu uu imika heer gabo gabo ah uu marayo.

Shirkan maanta lagu ansixinayay dastuurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 855 ergoyin ah kuwaas oo ka kalayimid dhamaan beelaha somaliyeed ee daga gobolada jubooyinka iyo gado kuwaas oo qarkood ay kayimaden wadamada qurbaha oo ay kamid yihiin siyaasiyin xilal kala duwan kasoo qabtay dawladihii KMG ahaa ee Dalka soo maray.

Inta ergooyinku aysan codkooda ka dhiiban dastuurka ayaa waxaa qudbado kala duwan goobta ka jeediyay masuuliyinta Maamulka KMG ah iyo siyaasiyin kala duwan.

Waxaa goobta qudbad dardaran ah ka jeediyay R/Wasarahii hore ee somaliya cumar cabdi rashiid waxana uu sheegay in waxa maanta ergooyinka horyaala uu yahay wax mustaqbalkooda iyo kan deegankodaba samayn doona uu yahy lona baahan yahay in dhanka wanaga ay wax ka eegan.

Sidoo kale waxaa isna shirka qudbad ka jeediyay Gudoomiyaha maamulka kmg ah ee magalada kismaayo ka arimiya sh,axmed maxamed islaam axmed madoobe. waxaan si qota dheer uu uga hadlay masiirka gobolada jubooyinka iyo gado iyo sida lagama maarmanka ay u tahay in ay yeeshan dawlad goboled midaysa oo dagaladii sokeye ee dadka daashaday ay kaga nastaan imikana wakhtigeedi la joogo

Ugu danbayn waxaa iyana qudbado kala duwan iyana goobta ka jeediyay xildhibaano qaarkamid ah gudiyo ay ergooyinku soo wakiisheen waxaana la guda galay ansixinta jartarka kmg ah ee sadexda sano ee soo socota ay ku dhaqmayso dawlada juba-land.

Waxaana codayntu ay u dhacday qaab gacan taag ah oo dhamaan ergooyink po tiradodu ay gaarayso 855 ay si aqlabiyad leh ay haa ugu codeyen oo aysan jirin cid ka aamustay ama diiday in kasto qodobka ka hadlaya caasimda dawlad goboledka uu muran dhaliyay oo dastuurku uu sheegayo in ay caasimda dawladu ay noqonayso bu”aale halka ergooyinka qaarkodna ay sheegen in laga badalo oo laga dhigo magalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose.

Dastuurkan ayaa dhaqan galaya isla maanta iyadoo deegamada qaarkood oo ka tirsan gobolada jubooyinka iyo gado ay kusugan yihiin Xarakada Al Shabaab, waxaa lagu wadaa in malinimada bari ah xaflad balaaran oo lagu maamusayo ansixinta dastuurka ay ka dhacdo magalada Kismaayo.

DSC01873 DSC01872 DSC01842 DSC01837 DSC01828 DSC01827 DSC01827 DSC01820 DSC01817 DSC01815 DSC01811 DSC01809 DSC01800 DSC01798 DSC01788 DSC01781 DSC01780

RBC Radio
Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles