Garoowe (RBC RADIO) Xildhibaan Axmed Barre oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland kana mid ah Wafdiga Puntland u matalaya Shirka ka socda Muqdisho ee looga hadlayo Arimaha Garsoorka ayaa Mar uu Raxanreeb.com Qadka Telphoneka ugu Waramayay isagoo Muqdisho ku sugan Wuxuu sheegay in Liidasho Dhanka Aqoonta iyo Mushaarka ah ay ka jirto xaga Garsoorka Koonfurta Dalka Soomaliya gaar ahaan Magaalada Muqisho ee Caasimada Soomaliya isagoo taasi ku micneeyey in ay qayb ka tahay hoos u dhaca dhanka xaq soorka ah ee ka jira Magaalada muqdisho.
“ tan iyo intaan shirka ku jirnay Maalintii 2baad waxaa muuqanayay soo bandhigida daldaloolada dhanka Garsoorka ah ee ka jira Caasimada Soomaliya oo aan rajeyneyno in laga gudbi doono sida ugu dhaqsiyaha Badan, waxaa xaqiiq ah qaladaadka badan in ay ka yimaadeen dhanka mushaar la’aanta iyadoo aan wanaag laga filaneyn qof hogaan u ah Garsoorka hadana aan Mushaar qaadan wuxuuna u nugul yahay in uu ku dhaqaaqo hadba wixii uu lacag ku heli karo, Anaga waxaan kulankan uga qayb galeynaa sidii Go’aan midaysan looga qaadan lahaa arimaha liita ee Garsoorka Dalka ku saabsan waxaana ka mid nahay dadka Fikirka iyo Taladaba ku biirinaya sidii marka hore loo sixi lahaa Xaalada Guracan ee ka jirta Muqdisho ee la xiriirta dhanka Cadaalada, sidaana waxaa yiri Xildhibaan Barre.
XIldhibaanku ayaa mar ay Raxanreeb weydiisay is barbar dhigida Dhanka Garsoorka Marka la eego Puntland iyo Koonfurta Dalka Soomaliya ayuu sheegay in Quburada dhanka Maxkamadaha iyo Arimaha Garsoorka u qaabilsan Puntland ay yihiin Dad aqoon yahano ah garanayana hawsha ay hayaan sidoo kalena mushaari ah oo Lacag fiican qaata sida uu hadalka u dhigay, sidaa darteedna aysan jirin dan ku kailfeysa in ay cadaalada wax ka dhan ah sameeyaan,Axmed Barre wuxuu kaloo cadeeyey in aysan jirin is jiid jiid dhanka maxkamadaha ah oo soo noqnoqday oo Puntland ka dhacay kaasi oo la xiriira Xukun Maxkamadi riday oo cabasho laga soo gudbiyay wuxuuna taasi ku amaanay Gudoomiye yaasha Maxkamadaha iyo Xeer-ilaaliye yaasha ka jira deegaanada Puntland, wuxuuna sheegay in Puntland dhanka Garsoorka ay ka dhisan tahay ayna kaalin ka qaadan doonto sida uu yiri Xildhibanku dib usixida Nidaamka Garsooreed ee Koonfurta Dalka Soomaliya.
Xildhibaan Axmed Barre Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga Dowlada puntland Wax garad iyo aqoonyahano kale oo 30meeyo kor u dhaafaya ayaa ka qayb qaadanaya shirka dib u sixida arimaha Garsoorka Dalka oo Muqdisho ka socda kuwaasi oo ku fadhiya magaca Puntland, iyadoo gunaanadka shirkaasi la filayo in ay soo baxaan Qodobo wax ku ool ah oo looga gudbo cabashada xaga garsoorka ah ee had iyo jeer soo noqnoqota.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.