Dhuusamareeb(RBC Radio) Maamulka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa maanta magaaladaas ka saaray dhamaan ciidamadii dowlada ee ku sugnaa gudaha magaalada taliyaha dhanka amaanka ee magaalada Dhuusamareeb Farxaan Macalin Cali ayaa sheegay iney maanta magaalada banaanka uga saareen ciidamadii dowlada ee ku sugnaa.
Taliyaha amaanka Dhuusamareeb ayaa sheegay in arintani ay ka danbeysay kadib markii ay dhawaan soo saareen awaamiir ay ku mamnuucayaan in gudaha magaalada hub lagu dhex wato si ay i meelmariytaan go’aankaasne ay maanta dibada magaalada uga saareen ciidamadii ku sugnaa.
Farxaan ayaa sheegay in ciidamada la is kugu geeya xerada 21-aad ee ciidamada xooga dalka oo ku taala duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud halkaas oo uu sheegay in la dajinayo ciidanka si loo xakameeyo ciidanka iyo hubka ay wataan intaba.
Taliyaha amaanka degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay iney tira koob ku hayaan hubka yaalla magaalada isla markaane ay diiwaan galinayaan,ciidamada maanta laga saaray gudaha magaalada Dhuusamareeb oo gaaraya boqolaal askari ayuu Farxaan ka codsaday dowlada Soomaaliya iney ka taageerto dhinacyada hubka iyo mushaharaadka ciidankaas.
Ciidamadan maanta laga saaray magaalada Dhuusamareeb ayaa ahaa ciidamadii ahlu sunna ee sida rasmiga ah loogu biiriyey ciidamada dowlada kuwaas oo si toos ah u hoos tagaya wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho