Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirkii looga arinsanayey dib u Habaynta Garsoorka dalka oo Maalintii Labaad galay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Shirkii looga hadlayey dib u habaynta garsoorka dalka Soomaaliya oo maanta maalintii labaad ka socda hoteelka Jasiiro ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa khudbad dheer ka jeediyey gudoomiyana mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari.

Gudoomiye Jawaari ayaa ku dheeraaday ka hadlidataariikhda uu soo maray garsoorka dalka Soomaaliya oo uu sheegay inuu soo maray marxalado kala duwan,Max’ed Sh. Cismaan ayaa daboolka ka qaaday in sharcigii garsoor ee ugu horeeyey loo sameeyey dalka Soomaaliya sanadkii 1935-tii sharcigaas oo uu sheegay iney soo samaysay dowlada Talyaaniga.

Jawaari ayaa sheegay in markii ay Soomaaliya qaadatay xoriyadeeda sanadkii 1960 dib u habayn weyn lagu sameeyey shuruucdii garsoorka dalka ee xiligaas ka jiray dalkeena Soomaaliya.

Waxaa shirka maanta looga hadlayey caqabadaha hortaagan dhisida garsoor hagaagsan oo uu dalku yeeesho waxaana madasha shirka ka dhacday dood kulul oo ku saabsaneed waxyaabaha sida rasmiga ah u hortaagan dhisida garsoor  sax ah oo uu dalku yeesho.

Shirka oo si habsami leh uga soconaya ayaa waxaa maanta ka qayb galay dooda shirka dib u habaynta dastuurka xeer ilaaliyaha qaranka,gudoomiyaha maxkamada,wasiirkii hore ee dastuurka dowladii kumeeelgaarka ahayd iyo sharci yaqaano dhowr ah, kuwaas oo dood dheer ka yeeshay caqabada hortaagan samaynta garsoor wanaagsan oo uu dalku yeesho.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles