Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidanka Amaanka Beledweyne oo soo Qabtay Rag lagu Tuhmay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab

$
0
0

Beledweyne (RBC Radio) ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ee magaalada Beledweyne ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen rag ka tirsan ururka alshabaab oo ku dhuumaaleysanayey taliyaha ciidamada booliska gobolka Hiiraan Cali Dhuux  Cabdi Mahad-Alla oo warfidiyeenka la hadlay ayaa sheegay iney soo qabteen dhalinyaro ka tirsan alshabaab kuwaas oo ku sugnaa xaaafad ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mahad-Alla ayaa sheegay in hawlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka magaalada Beledweyne ay uhu suurta gashay iney gacanta kusoo dhigaan 2 dhalinyaro ah oo uu sheegay iney qirteen iney ka tirsan yihiin alshabaab,wuxuuna tilmaamay in soo abashada raggaas ay sahashay wada shaqayn dhexmartay shacabka iyo ciidamada.

Wuxuuna tibaaxay in shacabka ku dhaqan xaafada Kooshin ee magaalada Beledweyne ay kusoo wargaliyeen iney arkeen rag ay ka shakiyeen kadibne ay lasoo xiriireen ciidamada kadibne ay ciidanka sidaas gacanta ugu soo dhigeen 2 ruux ee dhalinyarada ah kuwaas oo uu sheegay iney qirteen iney ka tirsan yihiin alshabaab.

Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alla taliyaha ciidamada booliska Hiiraan ayaa intaa ku daray in ragga ay soo qabteen ay horgeyn doonaan sharciga si loogu qaado danbiga loo haysto oo ah ka mid ahaanshaha alshabaab, maaha markii ugu horeysay ee ciidamada amaanka magaalada Beledweyne ay soo qabtaan dhalinyaro ay la xiriirinayaan ka tirsanaanta ururka alshabaab.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles