Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada Dowlada oo saaka Burburin ka wada Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshid

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka burburin ka wada Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshid gaar ahaan meesha loo yaqaano Miisaanka dhuxusha oo laga burburinayo goobo ganacsi oo ku yaalay halkaas,gudoomiyaha degmada Yaaqshid Muxudiin Jurus oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedka burburinta saaka ka socota xaafada Towfiiq.

Gudoomiye Jurus ayaa sheegay in dhulkaas ay u yimaadeen mawaadiniin Soomaaliyeed oo uu sheegay iney keensadeen Waraaqaha sharciga ah ee lahaanshaha dhulkaas sidaas darteedne ay maamulka degmada waajib ku tahay iney ka saaraan dadka ku gacansada goobtaas.

waxaana xiligan ka socda miisaanka dhuxusha burburin baahsan oo ay wadaan ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya kuwaas oo dhulka la simaya goobaha ganacsi ee ka dhisan halkaas,waxaana goobta iskugu soo baxay dadkii la burburiyey goobahooda ganacsi kuwaas oo sheegay iney si weyn ugu xun yihiin burburinta loo geystay goobahooda ganacsi.

Waxayna ku tilmaameen burburinta lagu sameeyey dukaamadii ay ku lahaayeen miisaanka dhuxusha mid aan sharci ahayn,waxayna ku tilmaameen dhulkaas inuu yahay dhul dowladeed oo aysan lahayn shakhsiyaad gaar ah waxayna sheegeen in dhulkaasi uu ahaa markii hore goob lagu miisaamo dhuxusha iyo Milixda(Cusbada), waxayna ka dalbadeen dowlada in mawaadiin Soomaaliyeed dhulkaas laga burburinayo isla markaane dad gaar ah oo la sharciyeynayo iney tahay arin cadaalada ka fog.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles