Garbahaarey9RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa ka dalbaday maamulka iyo ciidamada dowlada ee gobolka Gedo iney alshabaab ka sifeeyaan deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolkaas gaar ahaan degmooyinka Baar-dheere iyo Buurdhuubo oo wali ku jira gacan ku haynta alshabaab R/wasaaraha ayaa amaanay talaabada uu maamulka gobolka Gedo alshabaab kaga saaray inta badan degmooyinka gobolkaas.
Wasiirka koowaad ee xukuumada oo la hadlayey maamulka gobolka Gedo iyo saraakisha horkacaya ciidamada dowlada ee gobolkaas ayaa yiri“waxaan idiin soo jeedinaan idinkane sugaa inaad si deg deg ah alshabaab uga xoreysaan degmooyinka Baar-dheere iyo Buurdhuubo dowladune wey idinku garab taagan tahay gacane waan idinku siineynaa”
R/wasaaraha oo shalay intii uusan kasoo amba bixin magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa maamul kumeelgaar ah usoo magacaabay gobolka Gedo ,wuxuuna kula dardaarmay iney alshabaab ka saaraan guud ahaan gobolka Gedo oo ay hada maamulaan qaybo kamid ah.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa maanay dadaalka uu maamulka gobolkaas ku bixiyey la dagaalanka alshabaab iyo kasaaristii inta badan deegaanada gobolkaas oo alshabaab laga riixay.,wuxuuna tibaaxay in gobolka Gedo uu soo maray marxalado adag hada kadibne ay dowladu garab taagan tahay maamulka gobolka Gedo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho