Baydhabo (RBC) Saraakiil ciidamada dawlada Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa Rxanreeb u sheegay in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan AMISOM la geeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay saacadihii la soo dhaafay.
Ciidamadan cusub oo aan tiradooda la sheegin ayaa Baydhabo gaaray gelinkii dambe ee Axadii iyo habeenimadii Isniinta.
Ciidamada AMISOM ay geysay magaalada Baydhabo ayaa ah kuwa wadanka Burundi oo horeyba hal guuto oo iyaga ka mid ah ay ku sugnaayeen magaalada Baydhabo oo ah degmada labaad ee ay gobolka Baay ka joogaan ciidamada AMISOM.
Tegitaanka ciidamada cusub ee AMIDOM geysay Baydhabo ayaa timid iyadoo ciidamada Ethiopia ee gobolkaasi joogay ay bilaabeen inay isaga baxaan iyadoo labo toddobaad ka horna baneeyay magaalada Xudur oo dib u gashay gacanta kooxda Al Shabaab.
Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumud ayaa dhowaan sheegay inay AMISOM buuxin doonto goobaha ay baneeyaan Ethiopianka.
Lama oga in AMISOM ciidankeeda cusubi ee gaaray Baydhabo ay tagayaan degmooyinka Bakool ka tirsan ee qaarkood Ethiopianka ay baneeyeen iyo inay xoojinayaan magaalada Baydhabo oo iyada lafteeda Ethiopianka ay qorsheynayaan inay isaga baxaan.
RBC Radio