Muqdisho(RBC Radio) Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay iney dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka alshabaab ee dagaalka kula jira Henery Obbo oo ka tirsan saraakiisha ciidamada hawlaglaka nabad ilaalinta AMISOM ayaa sheegay in ciidankoodu ay khaarajiyeen sarkaal ka tirsanaa alshabaab.
Henery Obbo ayaa shaaca ka qaaday warkaas xili uu la hadlayeywarbaahinta gudaha wadanka Yugaandha wuxuuna tibaaxay in sarkaalka ay ku dileen gobolka Shabeelaha hoose meel uusan carrabaabin magacaade balse uu sheegay iney qiyaastii 70-Km u jirto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Obbo ayaa hoosta ka xariiqay in ciidanka Amisom ay dileen sarkaalkaas xili uu sheegay iney hogaaminayey dagaal ay soo qaadeen alshabaab,wuxuuna ku sheegay magaca sarkaalka uu sheegtay iney dileen Max’ed Abu Saciid,kaasoo uu sheegay inuu ka tirsan yahay saraakiisha alshabaab.
Ma jirtaan ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada saraakisha AMISOM ee ku aadan iney khaarajiyeen sarkaal sare ee ka tirsanaa alshabaab,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay alshabaab kaasoo ay kaga jawaabayaan sheegashada saraakiisha ciidanka AMISOM.
Dagaalada u dhexeeya ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga hawlgalka AMISOM iyo alshabaab ayaa waxaa ay labada dhinacba ka kala sheegtaan guulo iyo iney khasaare baaxad leh gaarsiiyeen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho