Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir looga Hadlayey Amniga Gobolka Hiiran oo Beledweyne ka Dhacay

$
0
0

Beledweyne(RBC Radio) Shir looga hadlayey amniga gobolka Hiiraan ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan shirka ayaa waxaa iskugu yimi masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan,Saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka iyo saraakiisha hogaaminaya ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Shirka ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa kor u qaadista iyo adkeynta amniga gobolka Hiiraan waxaana warbaahinta uga waramaya waxyaabihii shirkaas lagu lafa guray madaxa arimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Max’ed Cali Yuusuf.

Max’ed Cali Yuusuf ayaa sheegay in shirka uu yahay mid todobaadle ah oo Isbuuciiba mar ay yeeshaan maamulka gobolka iyo Saraakiisha ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM,wuxuuna tilmaamay in xalay laga wada hadlay adkeynta amniga deegaanada ay hada gacanta ku hayaan ciidamada dowlada.

Wuxuuna intaa ku daray in kulanka sidoo kale lagu soo hadal qaaday sidii loo dardar galin lahaa dadaalad lagu doonayo in alshabaab looga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolkaas.

Max’ed Cali Yuusuf madaxa arimaha bulshada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gobolka ay ka socoto diyaar garowga la wareegida deegaanada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan ee ay wali gacanta ku hayaan alshabaab.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles