Muqdisho(RBC Radio) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudi u saaray soo baarista arinta la xiriirta maxaabiista lagala baxay xabsi ay maamusho dowlada Soomaaliya kuwaas oo meydadkooda lasoo dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya,mudanayaasha baarlamaanka oo maanta Muqdisho ku yeeshay kala fadhigii Labaad kulankiisii Sideedaad ayaa si kulul uga hadlay dilka loo geystay maxbuus oo lagala baxay xabsi ay maamusho dowlada kadibne la dilay.
Gudiga loosaaray dabalka arinkaas ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay xildhibaan Cabdi Xakiin Cige Guuleed wuxuuna sheegay iney baaritaan dhab ah ku samaynayaa arintaas isagoona wacad ku maray in baarlamaanku uu la xisaabtami doono cid walba oo ku lug yeelata.
Xildhibaan Cige ayaa shaaca ka qaaday iney arintaasi kasoo saari doonaan warbixin rasmi ah marka uu u dhamaado baaritaanka ay ku hayaan sida ay u dhacday maxaabiista lagala baxay xabsiyada dowlada kadibne meydkooda laga helay wadooyinka magaalada Muqdisho.
Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo madasha ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in dhacdadaasi ay tahay mid xanuun badan oo aan marna loo dulqaadan karin isla markaane sharaf dhac ku ah dowlada Soomaaliya oo iyadu masuulka ka ahayd ilaalinta maxaabiista ku jira xabsiyadeeda,iyagoona ku nuuxnuuxsaday iney baarlamaanka hor keeni doonaan cid walba oo lala xiriiriyo arintaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho