Kismaayo (RBC) Maamulka Ahlusunnada Konfureed ayaa manta Shirjaraaid oo ay uga hadlayaan heshiis la sheegay in lagu kala saxiixday Magaalada Garbahareey ku qabtay Magaalada Kismaayo.Afhayeenka Maamulka Ahlusunnada Konfureed Sh. Maxamed Daa,uud Codweyne ayaa waxaa uu shirkiisa jaraaid ku sheegay in Masuliyiinta sar sare ee Ahlusunnada Konfureed in ay ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeenka waxaa uu intaasi ku daray in aysan jirin heshiis dhex maray Maamulka Ahlusunnada Konfureed iyo Dowlada Somalia Dowlada Somalia na ay ku tahay Ceeb in ay ku been Abuurato Masuliyiinta Maamulka Ahlusunna ee dadaalka iyo Dagaalka adag u soo galay dib u xoreeynta Dagmoyinka Gobolka Gedo.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Ahlusunnada Konfureed waxaa uu si kooban uga hadlay Maamul manta uu Raisalwasaaraha Somalia u Magacaabay Gobolka Gedo.
“Waxaa nagu maqaalo ah in Raisalwasaaraha Somalia uu gobolka Gedo u magacaabay Maamul kmg ah oo 6 bilood shaqayn doona arinkaasi waxaan ka leenahay Raisalwasaraha Somalia waa ku dag dagay waxaana halkaan ka cadaynayaa in raisalwasaarah uu Gobolka Gedo ka iclaamiyay Dagaal sokeeyo oo ay wada galaan dadka walaalaha ah ee daga gobolka Gedo.
Shacabka iyo Maamulada Dagmoyinka Balad Xaawo , Doolow, Luuq, iyo Ceelwaaq marna raali kama ahaan magacaabista uu sameeyay Raisalwasaare Saacid waxaayna arinkaasi dhalinaysa in gobolka ay ku wada sugnaadan Awoodo is diidan taas oo sahli karta in gobolka uu galo colaado sokeeye ayu yiri Afhayeen Codweyne.
Afhayeenka ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay aad uga xun yihiin in Raisalwasaare Saacid uu khilaafyo iyon Colaado uu u soo xawilo Gobolka uu isir ahaan ka soo jeedo ee Gedo oo Mudoyinkan danbe ka soo kabsanayay colaadihi sokeeye.
Ugu danbeyn Afhayeenka Ahlusunanda Konfureed ayaa waxaa uu shegay in uu Shacabka Somaliyeed iyo Beesha Calamkaba u cadaynayaan in aysan wax heshiis ah la galin dowlada Somalia ayado uu qiray in Masuliyiinta Calamka ay aqonsan yihiin ee Ahlusunnada Konfureed ay ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo .
———————————-
Waxaa qoraalkaan nasoo gaarsiiyey
Maxamed Cabdi Cali
Kismaayo-Somalia