Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiiro Ka Socda Dawlada Finland oo Yimid Muqdisho Iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibadda dawlada Soomaaliya Fawsiya Yuusuf iyo Wasiirka arrimaha dibadda Finland Erkki Tuomioja.

Muqdisho (RBC)Wafdi ka socda dawlada Finland oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee wadankaasi Erkki Tuomioja ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxayna kulan la yeesheen masuuliyiin dawlada Soomaaliya ka mid ah.

Wafdi wasiirada dawlada Finland ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka kheyraadka Finland, wasiirka horumarinta caalamiga Marwo Heidi Hautala, wakiilka wasaaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan Afrika iyo safiirka dawlada Finland u soo magacawday Soomaaliya oo lagu magacaabo Sofie.  Waxayna dhammaan xubnahaasi u ahayd booqashadii ugu horreysay oo wafdi heer sare ah oo ka socda Finland ay ku yimaadaan Soomaaliya mudo ka badan 23 sano.

Wafdigan wasiirada ah ayaa waxaa kulan gaaban garoonka diyaaradaha kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka adeegga bulshada Maryan Qaasim Axmed iyadoo kulankaasi kadibna wafdiga la geeyay xafiiska madaxweynaha ee xarunta Villa Soomaaliya.

Markii kulankii dhexmaray madaxweynaha iyo wasiirada uu soo dhamaaday ayaa waxaa hadal kooban bixiyey wasiir Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha dibadda Finland Erkki Tuomioja oo ka warbixiyey kulamadii dhacay iyo ujeedada socdaalka wafdigan.

Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in dawlada Soomaaliya ay ku faraxan tahay inay maanta Muqdisho ku qabisho wafdiga ka socda dawlada Finland kuwaasoo halkan u yimaaday inay taageero buuxda siiyaan shacabka iyo dawlada Soomaaliya.

Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Finland Erkki Tuomioja ayaa sheegay inujeedkoodu ahaa inay yimaadaan ayna soo arkaan Muqdisho si ay wadahadalo heer dawladeed ah ula yeeshaan madaxda dawlada Soomaaliya, maadaama uu dhamaaday waqtigii ku-meelgaarka ee Soomaaliya.

Wuxuu intaa ku daray in ka dawlad ahaan Finland ay ka qeybqaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya ayna diyaar u yihiin in dawlada Soomaaliya iskaashi buuxa la yeeshaan.

Wafdigan ayaa sidoo kale kulan gaaban isla xarunta madaxtooyada kula kulmay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles